Taarikhda Jecaylka

Ereyga Jacayl, sidii la doono ha loo isticmaalee, waa mid dadku aqoon u lahaayeen isla markaana adeegsan jireen tan iyo horaantii aadamaha. Dunida aan maanta ku nool nahay waxay ka kooban tahay wadano, bulshooyin, qabiilo, dowlado iyo dadyoow aad u badan; mid kastana wuxuu leeyahay erey ama kalmad uu u adeegsado jecaylka. Maadaama luuqaduhu kala duwan yihiin, bulshooyin badani waxay isticmaalaan in ka badan "hal eray" markeey sheegayaan jecaylka. Tusaale ahaan, wadanka Giriiga qabiilka loo yaqaan Agape waxay adeegsadaan ereyga ἀγάπη taasi oo macnaheedu tahay "jecaylka diini", halka eregya s'agapo (Σ'αγαπώ) ay u isticmaalaan "waan ku jecelahay". Tusaale labaad waa meelo ka mid ah dalka Shiinaha waxaa laga isticmaalaa kelmadaha wǒ ài nǐ (我愛你) oo macnaheedu tahay "jecayl" ama "waan ku jecelahay" labadaba waa loo adeegsadaa taasi oo u dhiganta qaabka wadanada reer galbeedku u qeexaan jecaylka. Laakiin sida caadiga ah dalka Shiinaha waxaa la isticmaalaa wǒ xǐhuān nǐ (我喜欢你) oo macnaheedu noqonayo "waan kaa helay" tan ayaa ah dhaqanka dadkaasi marka qof soo bandhigayo dareenkiisa iyo jecaylkiisa.[2]
Ilbaxnimooyinkii ugu horeeyay dunida, sida Baabiyloon, Assiyriya, Akkadiyaanka iyo guud ahaan deegaanada u dhexeeya labada webi ee kala ah Tigris iyo Furaat ee loo yaqaano Mesobotaamiya kuwaasi oo jirey wakhti hada laga joogo 3,000 sano ka hor, ayaa waxaa la sheegay in jecaylku caan ka ahaa bulshooyinkaas dhexdooda. Waxaa faahfaahin fiican laga helay gabayo iyo suugaan kale oo laga helay ilbaxnimooyinkaasi kuwaasi oo qeexaya qof jacayl daran u qaba qof kale."[3]
Soo Dabacadi:- Samatar roble omer
Comments
Post a Comment