Jacayl
Jacayl ama Jecayl waa qiiro qof u qaado ama hayo shey kale. Sidoo kale, Jecaylku waa qadarin, sharfid, xushmayn iyo ixtiraam qoto dheer oo qof u hayo noole, shey, qof ama arin kale. Tusaale ahaan, jacaylka hooyo iyo aabo; jacaylka Alle; kan qof kale (lab ama dhidig); jaceylka shey ama walax sida baabuur, buug, filim, hees iwm. Guud ahaan, Jacaylku waa dareen qof u hayo wax kale noocuu doonaba ha ahaadee. Intaas waxaa dheer, jecaylku wuu noocyo iyo qaabab badan yahay, waxaana jira ugu yaraan toban nooc oo jacayl ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:
- Jacaylka diinta
- Jacaylka waalidka
- Jacaylka walaalaha
- Jacaylka ubadka (caruurta ama ciyaalka)
- Jacaylka qof sida gabadh ama wiil
- Jacaylka shey sida cunto, baabuur, buug, filim, hees iwm.
- Jacaylka noole kale xoolo ama xayawaan
Si kastaba ha ahaatee, Jecaylku waa dareen naxariis, ixtiraam, ka fikir iyo la doonista wax fiican. Qofka jecaylku hayo wuxuu markasta rabaa in wax wanaagsan gaadhsiiyo qofka iyo waxa uu jecel yahay. Inta u badan, dadku waxay jecaylka ku sheegaan rabitaanka qof doonayo qof kale, sida wiil raba ama jecel gabadh iwm.
Jacaylku waa mid dunida ka soo jiray tani iyo wakhtiyadii ugu horeeysay dadka. Guud ahaan, jecaylka aadamaha waxaa loo kala saaraa afar qeybood:
- 1. Jecaylka dabiiciga: jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka.
- 2. Saaxiibtinimo: jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jecaylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku wuxuu bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay.
- 3. Naf-u-saaris: waa jacayl qeyral caadi ah taasi oo qofka wax jeceli diyaar u yahay in uu naftiisa/nafteeda u hibeeyso qof kale. Jecaylka noocan ahi inta u badan wuxuu dhex maraa labo qof oo kala jinsi (sex) duwan, sida wiil iyo gabadh. Sidoo kale, jacaylka naf-u-saarista ahi waa mid bedela shakhsiyada, dhaqanka iyo nolosha qofka uu hayo; waxaana mararka qaar lagu sheegaa waalni.
4. Jecaylka Galmo: jecaylka galmo (eros ama sex love) waa rabitaanka iyo hamiga galmo qof ka doonayo qof kale. Jecaylkani wuxuu ku salaysan yahay ficilka iyo samaynta galmo taas oo laga yaabo in labada qofba sidaasi rabaan ama mid ka mid ahi jecel yahay falkaasi. Inta u badan jecaylka galmo ma ahan mid qoto dheer, sababtoo ah labada qof iskuma hayaan dareen ka badan samaynta iyo falgalida galmada.
Soo dabacadii :- Samatar roble omer
KEEP GOING PRO👑💯✌
ReplyDelete