Posts

Showing posts from October, 2020

Fariin Jacayl

Image
Si qarsoodi ah ayaad u xaday qeybkasta oo qalbigeyga ka mid ah adigoo aan igala tashan,haseyeeshee nasiibdaro waxaa iiga sii xanuun badan adigoon soo dhameystiran isku keenida qeybtii ka dhineyd qalbiga inaad ilowday. * Kelmada waan ku jeclahay markaad ii timid ee aad igu tiri,ma aqaano wixii igu dhacay, jaceylkaaga la’aantiis waan lunsanaa, waxaan dareemay erey walbo oo aad i dhahday in uu runyahay, Jaceylkaaga waa waxa ugu macaan ee nolosheyda soo maray intii aan noolaa. * Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. * Waxaad Qalbigeyga ka sameysatay mudul salkiisu adag yahay,hadana ay ka buuxaan xiiso, farxad iyo ififaalada hami nolol cusub. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Waxaan kuu caashaqay xad ka balaaran inta aadan ogaan ka...

Jaceyl lagalo

Image
Qof la jeclaado caada ahaan waa dareen fiican. Dadka qaar dhowr jeer ayey wax jeclaadeen, qaar kalena weligood jaceyl ma helin Jaceylka isku si uma dareemaan dadka oo dhan. Adiga kaliya ayaa ka jawaabi kara waxa uu jaceyl kuu yahay. Waxaa jira filimaan badan, qoraalo heeso ah, buugag iyo daabacaad badan oo ku saabsan jaceyl. Inta badan dadka waxey rabaan in jaceylka u muujiyaan qaabka iyaga gaarka u ah. Waxaa laga yaabaa iney kala duwaanaato Jaceyl la galo dareema kala duwan ayey yeelan kartaa marar badan. Inta badan si ka duwan ayey noqotaa marka aad muda ku jirtay jaceyl, oo ka duwan marka aad ku hor leedahay. Waxaa laga yabaa in farxad iyo murugo uu lahaado. Waxaad dareemi kartaa xanaaq, geesinimo, farxad ama waad deganaan kartaa. Waxaa laga yaaba inaad aad uuga hesho qofka aad jeceshahay. Waxaa laga yaabaa iney kuugu adkaato inaad ka fakarto wax kale. Mararka qaar waxaad dareemi kartaa walwal, xanaaq ama maseyr markaad jaceyl gashid. Dadka qaar wey ku adag tahay iney wa...

Erayo Jaceyl ah - Baro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Image
Baro Erayo Macaan oo soo jiidasho leh Baro shukaansi iyo qaabka loo soo jiito gabadha aad ka heshay Sidee loo qoraa Erayo macaan ah oo soo jiidasho leh? Adeegso erayo macaan ah oo soo jiidasho leh sida erayaaan xiliyada aad qoftaada ama qofkaada la joogto. Waa erayo macan ah oo xikmadeysan misana soo jiidasho leh. 1. In aan ku iloobo aad ayay u adag tahay balse in aad i iloowdo adiga ayay ku taal, iska iloow SMS-kaan balse qofka soo diray ha iloowin waligaa . 2. Macaan Badan qaado indhaheyga balse ii ogalaaw marka hore in aan ku arko. 3. Haddii 100 qof ay ku jecashahay waana ka mid ah ahay , haddii hal qof uu ku jecel yahayna kaasi aniga waaye aniga waaye aniga waaye. 4. Xabiibi haddii aad tahay qofka labaad ee aan jeclahay , hadaba waa kee qofka koowaad ee aan ka jeclahay , jawaabtu wax ay tahay maba jirto , mar waliba adiga ayaa ii ah qofta koowaad ee aan jeclahay. 5. Haddii riyada la dlaban karo waxaan Alle ka dalban laha in aan adiga kugu riyoodoNaftaada waan kaa jeclahay. 6. Waxa ...

Taarikhda Jecaylka

Image
Jeceylka  waalidka  waa kan ugu horeeya ee qofku la kulmo horaanta nolosha. Ereyga Jacayl, sidii la doono ha loo isticmaalee, waa mid  dadku  aqoon u lahaayeen isla markaana adeegsan jireen tan iyo horaantii aadamaha. Dunida aan maanta ku nool nahay waxay ka kooban tahay wadano, bulshooyin, qabiilo, dowlado iyo dadyoow aad u badan; mid kastana wuxuu leeyahay erey ama kalmad uu u adeegsado jecaylka. Maadaama luuqaduhu kala duwan yihiin, bulshooyin badani waxay isticmaalaan in ka badan "hal eray" markeey sheegayaan jecaylka. Tusaale ahaan, wadanka Giriiga qabiilka loo yaqaan Agape waxay adeegsadaan ereyga ἀγάπη taasi oo macnaheedu tahay "jecaylka diini", halka eregya s'agapo (Σ'αγαπώ) ay u isticmaalaan "waan ku jecelahay". Tusaale labaad waa meelo ka mid ah dalka  Shiinaha  waxaa laga isticmaalaa kelmadaha wǒ ài nǐ (我愛你) oo macnaheedu tahay "jecayl" ama "waan ku jecelahay" labadaba waa loo adeegsadaa taasi oo u dhiganta qaabka wad...

Jacayl

Image
Jacayl   ama   Jecayl   waa qiiro   qof   u qaado ama hayo shey kale. Sidoo kale,   Jecaylku   waa qadarin, sharfid, xushmayn iyo ixtiraam qoto dheer oo qof u hayo noole, shey, qof ama arin kale. Tusaale ahaan, jacaylka   hooyo   iyo   aabo ; jacaylka   Alle ; kan qof kale ( lab   ama   dhidig ); jaceylka shey ama walax sida   baabuur ,   buug ,   filim ,   hees   iwm. Guud ahaan, Jacaylku waa dareen   qof   u hayo wax kale noocuu doonaba ha ahaadee. Intaas waxaa dheer, jecaylku wuu noocyo iyo qaabab badan yahay, waxaana jira ugu yaraan   toban   nooc oo jacayl ah. Kuwaas waxaa ka mid ah: Jacaylka diinta Jacaylka waalidka Jacaylka walaalaha Jacaylka ubadka  (caruurta ama ciyaalka) Jacaylka qof  sida  gabadh  ama  wiil Jacaylka shey  sida  cunto ,  baabuur ,  buug ,  filim ,  hees  iwm. Jacaylka noole  kale  xo...